Sacu sacaygii u ekaa!
Waxa jaar ahaa oo meel miyi ah is ag deganaa laba nin oo midna lo’badan leeyahay midna aanu xoolaba lahayn oo uu caydh yahay. Ninka lo’ada badani wuxuu lahaa sac qurux badan oo geeso gaabaan oo uu aad u jeclaa , Haddaba Ninkii caydha ahaa baa busaaradsaday wuxuu jaad siistan wuu waayey, fikir dheer kadib wuxuu la hadlay nin ay saaxiib yihiin oo magalada joogay wuxuna ku dhahay saylada ii sii joogso oo neefka aan wadana anigaa leh dheh , sidii baanu ku soo xaday sacii geesahaa gaagaabnaa ee uu lahaa ninka jaarkiisu , si aan loo garana , wuxuu ku rakibay geeso kale oo dhaadheer oo uu ka soo goostay sac horoo bakhtiyey , waxaanu geeyey sayladii xoolaha lagu kala iibsanayey nin kalena iibi buu ku yidhii , dilaal baana hawshii la wareegay, Ninkii saca lahaa wuu tebay saciisii, baadi doon badan galay, aakhirkiina wuxuu go’aansaday in uu saylidii xoolaha tago si uu uga dhex raadiyo saciisiii. Isl...