Nin aanu mudo badan saaxiib ahayn , ayaanu habeenimadii ciida is aragnay anigoo suuqa jooga, Aad iyo aad baanu isku salaanay magacaygii oo saddexan buu igu yeedhay, Cabaar markii sheekadii noo socotay ,ayuu igu yidhi lambarkaagii wuu iga baxay oo maalin dhawayd baa mobilka layga xadayde saaxiib lambrkaagii ii sheeg ,waan u sheegay ,mar allaale markii uu damcay in uu kaydiyo ee uu is yidhi mobilka gasho ayuu garanba waayey magacaygii uu daqiiqad ka hor iigu yeedhayey, w Wax uu sameeyo ayuu garan waayey, anagana wuu iga xidhooday in uu magacaygii dib ii waydiiyo , Intuu qadar aamusna, ayaa isagoo xishoonaya igu yidhi saaxiib horta magacaagii baan ilaawee ii muxuu ahaa , intaan la yaabay baan ku idhi ,waar sowdigii goor dhawayd iigu yeedhayey magacayga maxaa ku helay? , wuxuu ku jawaabay maanta ciidii anoon baryahaa qaylin baan qaad/ jaad ku ijabaneeyey galinkii hore kii dambena jabis baan cunoo waan mirqaan sanahay, wanan ilaaway magacaagii , intaan ku qoslay ayaan u sheegay magac...
Comments
Post a Comment