SHEEKO XIISO BADAN (WAA WALAASHAY!!!)
SHEEKO XIISO BADAN ( WAA WALAASHAY!!!) Daahir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo haasaawe badan in kasta uu haddana dhego cuslaa ama aanu aad wax u maqli jirin marka lala hadlayo , waa amar allee. Maalin isagoo wado maraya ayey is barteen gabadh aad u qurux badan , in Mudo ahna way wada sheekaysanayeen, habeen bay balameen, wuxuu ku xujeeyey in ay soo kaxayso saaxiibadeed ,si uu saaxiibkii isna ula sheekaysto , way ka aqbashay waanay soo kaxaysay, markii ay gaadhay balantii ayey yimaadeen goobtii waxaa ka soo hor baxay labadii gabdhood oo wada socda, bariido ka dib, indhaha qac laysku siiyey , amakaag iyo af kala qaad ayaa meeshii ka dhacay, afkii baa juuqda gabay,hadal iyo hugun baa waa laga waayey , ileen gabadhan quruxda badan iyo wiilka ay saaxiibka yihiin ee uu meesha iskugu keenay waa walaalo, ninkan dhegaha culusina iskuma garanayo, somalidu waxay tidhaahda “ Ilaahow nin aan wax ogeyn ha cadaabin ”, wuxuu damcay inu...