SHEEKO XIISO BADAN (WAA WALAASHAY!!!)



SHEEKO XIISO BADAN (WAA WALAASHAY!!!)

Daahir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo haasaawe badan in kasta uu haddana dhego cuslaa ama aanu aad  wax u maqli jirin marka lala hadlayo , waa amar allee.
Maalin isagoo wado maraya ayey is barteen  gabadh aad u qurux badan  , in Mudo ahna way wada sheekaysanayeen, habeen bay balameen, wuxuu ku xujeeyey in ay soo kaxayso saaxiibadeed ,si uu saaxiibkii isna ula sheekaysto , way ka  aqbashay waanay soo kaxaysay, markii ay gaadhay balantii ayey yimaadeen goobtii waxaa ka soo hor baxay labadii gabdhood oo wada socda,  bariido ka dib, indhaha qac laysku siiyey , amakaag iyo af kala qaad ayaa meeshii ka dhacay,  afkii baa juuqda gabay,hadal iyo hugun baa waa laga waayey ,  ileen gabadhan quruxda badan iyo wiilka ay saaxiibka yihiin ee uu meesha iskugu keenay  waa walaalo, ninkan dhegaha culusina iskuma garanayo,
somalidu waxay tidhaahda “Ilaahow nin aan wax ogeyn ha cadaabin”, wuxuu damcay inuu is baro dadkii isagoo ku bilaabaya waatan qaali qurudaydii , adiguna iska eeg tan  kale .
Inantii way foorarsatay xishood dartiis, halka walaalkeedna uu  naxay, ee uu ku yidhi  ninkii ay saaxiibka ahaayeen ,  waa walaashay inantu, laakiin ninkii dhegaha cuslaa warkaagaba ma maqlayoo hawshiisii buu iska sii watay dhawr goorna wuu cel  celiyey  is barashadi  si u tuso jacaylka uu u qabo inanta.
Balsa inanta walaalkeed intuu xamili waayey ayuu  kor u dhawaaaqay  waxaanu isagoo leh  walaashay inantani maxaa ku helay miyanad waxba maqlayn?
Ninkii dhegaha cuslaana markuu arkay in talo faro ka haaday oo uu arintii dhex fadhiyo orod miciinsaday , hora loo yidhi “nafi orod bay kuugu aaminta   , waxaana hadaladiisi ugu dambeeyey ka mid ahaa intuu sii cararayey belo, belaa is barta! !

W/Q: kamaal Xassan Isaaq
Hargeysa Somaliland

Comments

Popular posts from this blog

Kamal Hassan Isak CURRICULUM VITAE

Nin qaylay qalad ma leh.