Xuska 18 May waa wax aan xisku ilaawi karin
Waa maalin qaran , oo ku astaysan dib ula soo noqoshadii Somaliland , waa maalin ka tilmaaman maalmaha kale , waxaa ka soo wareegtay 27 sano , waa maalin ku astaysan horumar iyo nabad gelyo hiigsigeeduna yahay helitaanka ictiraaf caalamiya oo adduunku u aqoonsado wadan ka mid ah dunida kale , mudadaa ay jirtay Somaliland waxay ku talaabsaday guulo iyo horumar laxaad leh , waxaa hogaanka dalka iskaga dabeeyey 5 madaxweyne oo saddexdii u dambeeyey ay ku yimaadeen doorasho qof iyo cod ah, waxaan ilaahay ka baryayaa in sanadka sanadkii uu innagu gaadhsiyo , bashbash , barwaaqo iyo badqab
Comments
Post a Comment