
Maxaa ka khaldan Dhalinyaradeena? Sanad kasta waxa Jamaacadaha dalkeena , ka soo qalinjabiya dhalinyaro fara badan , intooda badanina ma helaan fursado. Shirkadaheena dalka ka hawl galaana intooda badani mudnaanta ma siiyaan dhalinyarada xooga ah ee dalkooda wax u soo baratay , amma nidaamka ay shaqaalaha u qaataan maaha mid daahfurnaani ka muuqato , dhinaca kale barnaamijayada dhalinyarada lagu horumarinayo ee dawladdu u diyaarisay aad bay u kooban yihiin, dhalinyarada laftoodu uma diyaarsana inay hawl galaan oo iyaga laftoodu jaanisyo samaystaan, dhinaca kale dhalinyaradu ma bartaan kuuliyadaha u suurto kalinaya inay dalka kaga hawl galaan , si kastaba ha ahaatee , dhalinyaradu waa awood dihin , haddii aan laga faa'iidaysana cid kale ayaa ka faa'iidaysan . Soo jeediin . -In maali-galin loo sameeyo dhalinyarada si fursado loogu abuuro -In tayada Jamaacadaha la hagaajiyo si dhalinyaro aqoon lihi inoogu soo baxaan -In dawladu dhiirig...