Maxaa ka khaldan Dhalinyaradeena?



Sanad kasta waxa Jamaacadaha dalkeena , ka soo qalinjabiya dhalinyaro fara badan , intooda badanina ma  helaan fursado.
Shirkadaheena dalka ka hawl galaana intooda badani  mudnaanta ma siiyaan dhalinyarada  xooga ah ee dalkooda wax u soo baratay , amma nidaamka ay shaqaalaha u qaataan maaha mid daahfurnaani ka muuqato , dhinaca kale barnaamijayada dhalinyarada lagu horumarinayo ee dawladdu u diyaarisay aad bay u kooban yihiin, dhalinyarada laftoodu uma diyaarsana inay hawl galaan oo iyaga laftoodu   jaanisyo samaystaan, dhinaca kale dhalinyaradu ma bartaan kuuliyadaha u suurto kalinaya inay dalka kaga hawl galaan 
 , si kastaba ha ahaatee , dhalinyaradu waa awood dihin , haddii aan laga faa'iidaysana cid kale ayaa ka faa'iidaysan .

Soo jeediin .

-In maali-galin loo sameeyo dhalinyarada si fursado loogu abuuro 
-In tayada Jamaacadaha la hagaajiyo si dhalinyaro aqoon lihi inoogu soo baxaan 
-In dawladu dhiirigaliso dhismaha iyo horumarinta warshadaha si shaqo abuurka kor loogu qaado
-Dhalinyarada dhinaca luuqadaha laga dhiso 
- In dhaliyarada oo diyaariyo fursado jamaacado dibadeed si ay u kala mashquulaan aqoontooda u korodho
- In dawladu samayso xeerarka muhiimka u ah dhalinyarada sida xeerka shaqo abuurka iyo shaqo carbinta 


Comments

Popular posts from this blog

Kamal Hassan Isak CURRICULUM VITAE

Nin qaylay qalad ma leh.