Posts

Showing posts from September, 2016

SHEEKO XIISO BADAN (WAA WALAASHAY!!!)

SHEEKO XIISO BADAN ( WAA WALAASHAY!!!) Daahir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo haasaawe badan in kasta uu haddana dhego cuslaa ama aanu aad  wax u maqli jirin marka lala hadlayo , waa amar allee. Maalin isagoo wado maraya ayey is barteen   gabadh aad u qurux badan  , in Mudo ahna way wada sheekaysanayeen, habeen bay balameen, wuxuu ku xujeeyey in ay soo kaxayso saaxiibadeed ,si uu saaxiibkii isna ula sheekaysto , way ka   aqbashay waanay soo kaxaysay, markii ay gaadhay balantii ayey yimaadeen goobtii waxaa ka soo hor baxay labadii gabdhood oo wada socda,   bariido ka dib, indhaha qac laysku siiyey , amakaag iyo af kala qaad ayaa meeshii ka dhacay,  afkii baa juuqda gabay,hadal iyo hugun baa waa laga waayey ,   ileen gabadhan quruxda badan iyo wiilka ay saaxiibka yihiin ee uu meesha iskugu keenay   waa walaalo, ninkan dhegaha culusina iskuma garanayo, somalidu waxay tidhaahda “ Ilaahow nin aan wax ogeyn ha cadaabin ”, wuxuu damcay inuu is baro dadkii isagoo ku bilaabaya waatan

Nin qaylay qalad ma leh.

Nin aanu mudo badan saaxiib ahayn , ayaanu habeenimadii ciida is aragnay anigoo suuqa jooga, Aad iyo aad baanu isku salaanay magacaygii oo saddexan buu igu yeedhay, Cabaar markii sheekadii noo socotay ,ayuu igu yidhi lambarkaagii wuu iga baxay oo maalin dhawayd baa mobilka layga xadayde saaxiib lambrkaagii ii sheeg ,waan u sheegay ,mar allaale markii uu damcay in uu kaydiyo ee uu is yidhi mobilka gasho ayuu garanba waayey magacaygii uu daqiiqad ka hor iigu yeedhayey, w Wax uu sameeyo ayuu garan waayey, anagana wuu iga xidhooday in uu magacaygii dib ii waydiiyo , Intuu qadar aamusna, ayaa isagoo xishoonaya igu yidhi saaxiib horta magacaagii baan ilaawee ii muxuu ahaa , intaan la yaabay baan ku idhi ,waar sowdigii goor dhawayd iigu yeedhayey magacayga maxaa ku helay? , wuxuu ku jawaabay maanta ciidii anoon baryahaa qaylin baan qaad/ jaad ku ijabaneeyey galinkii hore kii dambena jabis baan cunoo waan mirqaan sanahay, wanan ilaaway magacaagii , intaan ku qoslay ayaan u sheegay magac