Posts

Showing posts from 2021
Image
Maxaa ka khaldan Dhalinyaradeena? Sanad kasta waxa Jamaacadaha dalkeena , ka soo qalinjabiya dhalinyaro fara badan , intooda badanina ma  helaan fursado. Shirkadaheena dalka ka hawl galaana intooda badani  mudnaanta ma siiyaan dhalinyarada  xooga ah ee dalkooda wax u soo baratay , amma nidaamka ay shaqaalaha u qaataan maaha mid daahfurnaani ka muuqato , dhinaca kale barnaamijayada dhalinyarada lagu horumarinayo ee dawladdu u diyaarisay aad bay u kooban yihiin, dhalinyarada laftoodu uma diyaarsana inay hawl galaan oo iyaga laftoodu   jaanisyo samaystaan, dhinaca kale dhalinyaradu ma bartaan kuuliyadaha u suurto kalinaya inay dalka kaga hawl galaan   , si kastaba ha ahaatee , dhalinyaradu waa awood dihin , haddii aan laga faa'iidaysana cid kale ayaa ka faa'iidaysan . Soo jeediin . -In maali-galin loo sameeyo dhalinyarada si fursado loogu abuuro  -In tayada Jamaacadaha la hagaajiyo si dhalinyaro aqoon lihi inoogu soo baxaan  -In dawladu dhiirigaliso dhismaha iyo horumarinta warsh