Posts

Showing posts from March, 2017

Sacu sacaygii u ekaa!

Waxa  jaar ahaa oo meel miyi ah is ag deganaa laba nin oo midna lo’badan  leeyahay midna aanu xoolaba lahayn oo uu caydh yahay. Ninka lo’ada badani wuxuu lahaa sac  qurux badan oo geeso gaabaan oo uu aad u jeclaa , Haddaba Ninkii caydha ahaa baa busaaradsaday  wuxuu jaad siistan wuu waayey, fikir dheer kadib wuxuu la hadlay nin ay saaxiib yihiin oo magalada joogay wuxuna ku dhahay saylada ii sii joogso oo neefka aan wadana  anigaa leh dheh , sidii baanu ku soo  xaday sacii  geesahaa gaagaabnaa ee uu lahaa ninka jaarkiisu , si aan loo garana , wuxuu ku rakibay geeso kale  oo dhaadheer oo uu ka soo goostay sac horoo  bakhtiyey  ,  waxaanu geeyey sayladii xoolaha lagu kala iibsanayey  nin kalena iibi buu ku yidhii , dilaal baana hawshii la wareegay, Ninkii saca lahaa wuu tebay saciisii, baadi doon badan  galay, aakhirkiina wuxuu go’aansaday in uu  saylidii xoolaha tago si uu uga dhex raadiyo  saciisiii. Isla maalintii uu salada yimidba wuxuu arkay saciisii sac aan laga garan  oo