Posts

Kamal's Application letter

  To:       NalaFEM Ga’anlibah District Cabaaye village                    Hargeisa Somaliland             +2526-3-4402758  Date: 13 th May  2022   Re:   Communication and press officer Dear Sir/Madam I am writing to apply the vacancy position of protection and gender coordinator that you posted Somali jobs website in May 2022. I am interested in this work as my skills; qualifications and experience match your vacancy requirements. I feel confident that my 11 years of solid experience in facilitation skills and project management provides me with the capabilities and experience to successfully fulfill this position. Accordingly, I have enclosed my CV for your consideration. Previously I have worked as a consultant in both the government NGOs, INGOs, and private s...
Image
Maxaa ka khaldan Dhalinyaradeena? Sanad kasta waxa Jamaacadaha dalkeena , ka soo qalinjabiya dhalinyaro fara badan , intooda badanina ma  helaan fursado. Shirkadaheena dalka ka hawl galaana intooda badani  mudnaanta ma siiyaan dhalinyarada  xooga ah ee dalkooda wax u soo baratay , amma nidaamka ay shaqaalaha u qaataan maaha mid daahfurnaani ka muuqato , dhinaca kale barnaamijayada dhalinyarada lagu horumarinayo ee dawladdu u diyaarisay aad bay u kooban yihiin, dhalinyarada laftoodu uma diyaarsana inay hawl galaan oo iyaga laftoodu   jaanisyo samaystaan, dhinaca kale dhalinyaradu ma bartaan kuuliyadaha u suurto kalinaya inay dalka kaga hawl galaan   , si kastaba ha ahaatee , dhalinyaradu waa awood dihin , haddii aan laga faa'iidaysana cid kale ayaa ka faa'iidaysan . Soo jeediin . -In maali-galin loo sameeyo dhalinyarada si fursado loogu abuuro  -In tayada Jamaacadaha la hagaajiyo si dhalinyaro aqoon lihi inoogu soo baxaan  -In dawladu dhiirig...

Xuska 18 May waa wax aan xisku ilaawi karin

Waa maalin qaran , oo ku astaysan dib ula soo noqoshadii Somaliland , waa maalin ka tilmaaman maalmaha kale , waxaa ka soo wareegtay 27 sano , waa maalin ku astaysan horumar iyo nabad gelyo hiigsigeeduna yahay helitaanka ictiraaf caalamiya  oo adduunku u aqoonsado wadan ka mid ah dunida kale ,  mudadaa ay jirtay Somaliland waxay ku talaabsaday guulo iyo horumar laxaad leh , waxaa hogaanka dalka iskaga dabeeyey 5 madaxweyne oo saddexdii u dambeeyey ay ku yimaadeen doorasho qof iyo cod ah,  waxaan ilaahay ka baryayaa in sanadka sanadkii uu innagu gaadhsiyo , bashbash , barwaaqo iyo badqab

Sacu sacaygii u ekaa!

Waxa  jaar ahaa oo meel miyi ah is ag deganaa laba nin oo midna lo’badan  leeyahay midna aanu xoolaba lahayn oo uu caydh yahay. Ninka lo’ada badani wuxuu lahaa sac  qurux badan oo geeso gaabaan oo uu aad u jeclaa , Haddaba Ninkii caydha ahaa baa busaaradsaday  wuxuu jaad siistan wuu waayey, fikir dheer kadib wuxuu la hadlay nin ay saaxiib yihiin oo magalada joogay wuxuna ku dhahay saylada ii sii joogso oo neefka aan wadana  anigaa leh dheh , sidii baanu ku soo  xaday sacii  geesahaa gaagaabnaa ee uu lahaa ninka jaarkiisu , si aan loo garana , wuxuu ku rakibay geeso kale  oo dhaadheer oo uu ka soo goostay sac horoo  bakhtiyey  ,  waxaanu geeyey sayladii xoolaha lagu kala iibsanayey  nin kalena iibi buu ku yidhii , dilaal baana hawshii la wareegay, Ninkii saca lahaa wuu tebay saciisii, baadi doon badan  galay, aakhirkiina wuxuu go’aansaday in uu  saylidii xoolaha tago si uu uga dhex raadiyo  saciisiii. Isl...

SHEEKO XIISO BADAN (WAA WALAASHAY!!!)

SHEEKO XIISO BADAN ( WAA WALAASHAY!!!) Daahir wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo haasaawe badan in kasta uu haddana dhego cuslaa ama aanu aad  wax u maqli jirin marka lala hadlayo , waa amar allee. Maalin isagoo wado maraya ayey is barteen   gabadh aad u qurux badan  , in Mudo ahna way wada sheekaysanayeen, habeen bay balameen, wuxuu ku xujeeyey in ay soo kaxayso saaxiibadeed ,si uu saaxiibkii isna ula sheekaysto , way ka   aqbashay waanay soo kaxaysay, markii ay gaadhay balantii ayey yimaadeen goobtii waxaa ka soo hor baxay labadii gabdhood oo wada socda,   bariido ka dib, indhaha qac laysku siiyey , amakaag iyo af kala qaad ayaa meeshii ka dhacay,  afkii baa juuqda gabay,hadal iyo hugun baa waa laga waayey ,   ileen gabadhan quruxda badan iyo wiilka ay saaxiibka yihiin ee uu meesha iskugu keenay   waa walaalo, ninkan dhegaha culusina iskuma garanayo, somalidu waxay tidhaahda “ Ilaahow nin aan wax ogeyn ha cadaabin ”, wuxuu damcay inu...

Nin qaylay qalad ma leh.

Nin aanu mudo badan saaxiib ahayn , ayaanu habeenimadii ciida is aragnay anigoo suuqa jooga, Aad iyo aad baanu isku salaanay magacaygii oo saddexan buu igu yeedhay, Cabaar markii sheekadii noo socotay ,ayuu igu yidhi lambarkaagii wuu iga baxay oo maalin dhawayd baa mobilka layga xadayde saaxiib lambrkaagii ii sheeg ,waan u sheegay ,mar allaale markii uu damcay in uu kaydiyo ee uu is yidhi mobilka gasho ayuu garanba waayey magacaygii uu daqiiqad ka hor iigu yeedhayey, w Wax uu sameeyo ayuu garan waayey, anagana wuu iga xidhooday in uu magacaygii dib ii waydiiyo , Intuu qadar aamusna, ayaa isagoo xishoonaya igu yidhi saaxiib horta magacaagii baan ilaawee ii muxuu ahaa , intaan la yaabay baan ku idhi ,waar sowdigii goor dhawayd iigu yeedhayey magacayga maxaa ku helay? , wuxuu ku jawaabay maanta ciidii anoon baryahaa qaylin baan qaad/ jaad ku ijabaneeyey galinkii hore kii dambena jabis baan cunoo waan mirqaan sanahay, wanan ilaaway magacaagii , intaan ku qoslay ayaan u sheegay magac...

Riwaayada Diwan Gelintu Waa Danteena

Image